HomeWararQeylo dhaan xoogan oo kasoo yeertay Maamulka Afmadow ee Jubbaland

Qeylo dhaan xoogan oo kasoo yeertay Maamulka Afmadow ee Jubbaland

Date:

Related stories

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

Maamulka degmada Afmadow ayaa dadweynaha Jubbaland ka codsaday in ay kaalin ka qataan gurmadka abaaraha baahsan ee kajira dhammaan deegaanada Jubbaland gaar ahaana degmada Afmadow iyo deegaanada hoose yimaada.

Abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saameyn xoogan ku yeelatay ayaa ka jirta deegaano hoostega degmada Afmadow,  waxaana dadka ku adkaatay nolosha, maadaama la waayay biyihii laga  heli jiray ceelasha.

Mas’uuliyiinta degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in abaarta ay ku le’deen xoolihii ugu badnaa oo Lo’ ah, isla markaana waxaa dhulka daadsan haraaga Lo’da, sida lagu arkayey Sawirro laga soo qaaday.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta u hadlay Afmadow ayaa dadweynaha Jubbaland iyo hay’adda gargaarka ugu baaqay inay gurmad deg deg ah oo ay ugu horreeyso biyo dhaamin lasoo gaaran dadka yar ee ku haray degmadaas oo ka barakaceen inta badan dadka degaanka.

Si kastaba deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka jirta abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada, waxaana dadka ku adkaatay nolosha.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories