HomeWararPuntland oo si kulul uga hadashay Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta

Puntland oo si kulul uga hadashay Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamtay War-saxaafadeed Maanta kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ee looga hadlay dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Wasiiru dowlaha Caddaaladda Puntland, Ilyaas Cabdi Dinix ayaa sheegay in War-saxaafadeedka Musharaxiinta aan lagu xusin soo dhaweynta Puntland ay u sameeysay dadkii ay Somaliland soo masaafurisay ee […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamtay War-saxaafadeed Maanta kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ee looga hadlay dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wasiiru dowlaha Caddaaladda Puntland, Ilyaas Cabdi Dinix ayaa sheegay in War-saxaafadeedka Musharaxiinta aan lagu xusin soo dhaweynta Puntland ay u sameeysay dadkii ay Somaliland soo masaafurisay ee isugu jiray haween, Carruur, dhalinyaro iyo Odayaal.

- Advertisement -

Ilyaas Cabdi Dinix ayaa waxaa uu ayaan darro ku tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay soo hadal qaadi waayaan wanaagga iyo soo dhaweynta ay Mas’uuliyiinta Puntland iyo shacabkeeda u sameeyeen dadkii laga soo masaafuriyey Magaalada Laascaanood.

“In ay Midowga Musharrixiintu xusi waayaan kana hadli waayaan wanaagga iyo masuuliyada Puntland iyo shacabkeedu ku qaabileen dadkii Somaliland ka soo raaftay gobolka sool; waa ayaan-daro in aysan sooba qaadinin, mise qoladan waxaaba dhiba waxqabadka puntland iyo iney tahay guri lagu soo dhaweeyo qofkasta oo Soomaali ah” ayuu yiri Wasiir Dinix, xili Puntland ay soo dhaweyn iyo dib u dejin u sameeysay dadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay aad xun yihiin dadka laga soo masaafuriyey Somaliland, iyagoona falkaas ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagula kacay dad Soomaaliyeed, waxaana Warka Musharaxiinta aan lagu soo hadal qaadin soo dhaweynta Puntland u sameeysay dadka lasoo masaafuriyey.

Latest stories