HomeWararPuntland oo si kulul uga hadashay Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta

Puntland oo si kulul uga hadashay Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamtay War-saxaafadeed Maanta kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ee looga hadlay dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Wasiiru dowlaha Caddaaladda Puntland, Ilyaas Cabdi Dinix ayaa sheegay in War-saxaafadeedka Musharaxiinta aan lagu xusin soo dhaweynta Puntland ay u sameeysay dadkii ay Somaliland soo masaafurisay ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamtay War-saxaafadeed Maanta kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ee looga hadlay dadkii ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wasiiru dowlaha Caddaaladda Puntland, Ilyaas Cabdi Dinix ayaa sheegay in War-saxaafadeedka Musharaxiinta aan lagu xusin soo dhaweynta Puntland ay u sameeysay dadkii ay Somaliland soo masaafurisay ee isugu jiray haween, Carruur, dhalinyaro iyo Odayaal.

- Advertisement -

Ilyaas Cabdi Dinix ayaa waxaa uu ayaan darro ku tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay soo hadal qaadi waayaan wanaagga iyo soo dhaweynta ay Mas’uuliyiinta Puntland iyo shacabkeeda u sameeyeen dadkii laga soo masaafuriyey Magaalada Laascaanood.

“In ay Midowga Musharrixiintu xusi waayaan kana hadli waayaan wanaagga iyo masuuliyada Puntland iyo shacabkeedu ku qaabileen dadkii Somaliland ka soo raaftay gobolka sool; waa ayaan-daro in aysan sooba qaadinin, mise qoladan waxaaba dhiba waxqabadka puntland iyo iney tahay guri lagu soo dhaweeyo qofkasta oo Soomaali ah” ayuu yiri Wasiir Dinix, xili Puntland ay soo dhaweyn iyo dib u dejin u sameeysay dadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay aad xun yihiin dadka laga soo masaafuriyey Somaliland, iyagoona falkaas ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagula kacay dad Soomaaliyeed, waxaana Warka Musharaxiinta aan lagu soo hadal qaadin soo dhaweynta Puntland u sameeysay dadka lasoo masaafuriyey.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts