HomeWararKulan gaar ah oo Maanta laga yeeshay Amniga deegaanada Puntland

Kulan gaar ah oo Maanta laga yeeshay Amniga deegaanada Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Puntland oo ka dhacay Magaalada Garoowe. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga Puntland, waxaana Shirka inta uu socday looga hadlay amniga guud ee deegaanada Puntland iyo shaqooyinka amniga ee socda. Shirka ayaa waxaa sidoo kale […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Puntland oo ka dhacay Magaalada Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga Puntland, waxaana Shirka inta uu socday looga hadlay amniga guud ee deegaanada Puntland iyo shaqooyinka amniga ee socda.

- Advertisement -

Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo, iyadoona Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu faray Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada  dardar-gelinta howlaha lagu xaqiijinayo ammaanka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talobixinaya Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe.

Kulankan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay falal amni darro ka dhaceen Magaalada Garoowe, kadib markii weerar lagu qaaday Guriga uu degan yahay Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal iyo weeraro kale oo xiriiray muran dhul.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts