HomeWararKulan gaar ah oo Maanta laga yeeshay Amniga deegaanada Puntland

Kulan gaar ah oo Maanta laga yeeshay Amniga deegaanada Puntland

Date:

Related stories

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Puntland oo ka dhacay Magaalada Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga Puntland, waxaana Shirka inta uu socday looga hadlay amniga guud ee deegaanada Puntland iyo shaqooyinka amniga ee socda.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo, iyadoona Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu faray Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada  dardar-gelinta howlaha lagu xaqiijinayo ammaanka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talobixinaya Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe.

Kulankan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay falal amni darro ka dhaceen Magaalada Garoowe, kadib markii weerar lagu qaaday Guriga uu degan yahay Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal iyo weeraro kale oo xiriiray muran dhul.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories