HomeWararBooliska oo War kasoo saaray Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Booliska oo War kasoo saaray Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Jugta qarax xoogan ayaa waxaa dhowr iyo toban daqiiqo kahor laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow Isbitaal Madiina ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid Is-miidaamin ah oo u fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyey inta u dhexeeysa Isbitaalka Madiina iyo Xarunta Villa Baydhabo.

Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa kadib la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo goobta ka Agdhawaa, kuwaasi oo durbo goobta xiray.

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay inta u dhexeeysa Isbitaalka Madiina iyo Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxa uu geystay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uusan jirin khasaaro ka dhashay qaraxaas marka laga reebo Ninka geystay.

“24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii aliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories