HomeWararBooliska Somaliland oo gacanta ku dhigay Rag lacag farabadan ka xaday Bakhaar

Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay Rag lacag farabadan ka xaday Bakhaar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidanka Booliska Somalialnd ayaa gacanta kusoo dhigay Rag lacag farabadan ka xaday Bakhaar ku yaalla magaalada hargeysa ee xarunta Somaliland,waxaana faah faahin ka biyay falkaasi saraakiisha Booliska. Burcadda ayaa dhaca ka gaystay Xaafadda lagu Magacaabo Jajabka, waxaa ugu danbeyntii gacanta kusoo dhigay Raggaasi Ciidanka Booliska, oo howlgallo culus sameeyay, kadib markii ay soo gaartay farriinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Booliska Somalialnd ayaa gacanta kusoo dhigay Rag lacag farabadan ka xaday Bakhaar ku yaalla magaalada hargeysa ee xarunta Somaliland,waxaana faah faahin ka biyay falkaasi saraakiisha Booliska.

Burcadda ayaa dhaca ka gaystay Xaafadda lagu Magacaabo Jajabka, waxaa ugu danbeyntii gacanta kusoo dhigay Raggaasi Ciidanka Booliska, oo howlgallo culus sameeyay, kadib markii ay soo gaartay farriinta ku aaddan in Rag Tuugaha ay lacag badan dhaceen.

- Advertisement -

Taliska Booliska oo Saxaafadda shir u qabtay ayaa waxaa ay faah faahin ka bxiiyeen dhacdadaasi, waxaana ay Talisku tilmaamay in Xalay ay Tuugadu Jabsadeen Bakhaar ku yaalla Magaalada oo ay leheed hawenay ganacsato ah.

Cadadka lacagta ayaa waxaa Boolisku ku sheegeen in ay gaaraysay 120 Milyan oo shilinka Somaliland ah iyo 3000oo Doollar, waxaana lacagtaasi dhacay sida la sheegay laba Nin oo gacanta lagu dhigay.

Taliska Boolisku waxaa ay intaa ku dareen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Raggaasi u gudbin doonaan Maxkamadda awoodda u leh qaadista dacwadooda.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii taliska waxaa ay digniin u direen shaqsiyaadka ku howlan dhaca iyo boobka hantida dadka shacabka ah, ee isku daya in ay jabsadaan Baqaarada waa weyn eek u yaalla magaalada, sidoo kale waxaa carrabka ay ku dhufteen Saraakiishu in sharciga lala tiigsan doono cid walba oo lagu helo falal tuuganimo ah.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts