HomeWararShirkii Farmaajo isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka oo dib loo dhigay

Shirkii Farmaajo isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka oo dib loo dhigay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waxaa Maanta oo sabti ah lagu waday in Xarunta Madaxtooyada ka qabsoomo Shirkii Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Guddiga amniga Qaranka. Afhayeenka Madaxweynaha Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa ayaa sheegay in dib loo dhigay Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha oo la filayay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Maanta oo sabti ah lagu waday in Xarunta Madaxtooyada ka qabsoomo Shirkii Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Guddiga amniga Qaranka.

Afhayeenka Madaxweynaha Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa ayaa sheegay in dib loo dhigay Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha oo la filayay inuu dhaco Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray dhowr iyo toban daqiiqo kahor Afhayeen Cabdirashiid Maxamed ayuu ku sheegay in dib laga shaacin doono xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo Shirka Guddiga Amniga Qaranka ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay, waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.

Shirkaan dib loo dhigay ayaa lagu waday inuu kasoo qeyb galo Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo shalay laga celiyay dalka Jabuuti, xili uu kusoo jeeday Muqdisho, isagoona markii dambe dib loogu celiyay Turkiga, waxaana arrintaas ka xumaatay Madaxtooyada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts