HomeWararXasan Sheekh oo ku baaqay in la garab istaago RW Rooble farriina...

Xasan Sheekh oo ku baaqay in la garab istaago RW Rooble farriina u diray Farmaajo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caawa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo khilaafka xoogan ee u dhexeeya Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu galay xaalad hubinti la’aan ah iyo mid khal-khal amni ah, hayeeshee looga baxay dadaalo kala duwan oo ay sameeyeen dad […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caawa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo khilaafka xoogan ee u dhexeeya Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu galay xaalad hubinti la’aan ah iyo mid khal-khal amni ah, hayeeshee looga baxay dadaalo kala duwan oo ay sameeyeen dad uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

- Advertisement -

Wuxuu Xasan Sheekh ku boggaadiyay Rooble dadaaladii uu ku wajahay xakameynta xaaladihii lasoo maray, isagoona sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku guuleystay inuu ka hortego in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uu dhiig ku daato bishii April 2021.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la garab istaago Maxamed Xuseen Rooble, si looga baxo jahwareerka taagan, wuxuuna Madaxda dowlad Goboleedyada ka dalbaday inay dardar-geliyaan arrimaha doorashada oo aysan u istaagi khilaafka jira.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyay in aysan qorshaha ugu jirin  wax doorasho ah, isla markaana aan lagu qanci karin waxa uu wado.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay kiiska Ikraan Tahliil oo uu sheegay inuu yaallo Maxkamad sharci ah, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu garab istaago qoyska Ikraan Tahliil Faarax.

Latest stories