HomeWararWafdi ka socda Qaramada Midoobey oo kusoo wajahan Muqdisho iyo ujeedka

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo kusoo wajahan Muqdisho iyo ujeedka

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ah ayaa Maanta waxaa kusoo wajahan wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineyso ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amina J Maxamed.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaaran Magaalada waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Bulshada rayidka.

- Advertisement -

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ujeedka wafdiga ka socda Qaramada Midoobey ee Muqdisho uu yahay mid la xiriira Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha doorashada.

Imaanshaha wafdiga Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo khilaafka xoogan uu ka dhexeeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo markii hore ka bilowday kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Kulamo lagu doonayay in xal loogu helo khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa lagu kala tagay, kadib markii Madaxda ay isku mari waayeen qodobada kala ah Kiiska Ikraan Tahliil iyo Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, iyadoona natiijo la’aan kusoo dhammaadeen kulamada oo socday in ka badan 10 saacadood.

Latest stories