HomeWararKulamadii xal loogu raadinayay Khilaafka Farmaajo iyo RW Rooble oo lagu kala...

Kulamadii xal loogu raadinayay Khilaafka Farmaajo iyo RW Rooble oo lagu kala tagay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Shirarkii lagu dhex dhexaadinayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu kala tagay, kaddib saacado badan oo la is hor-dhafiyey. Shirarka oo qaatay in ka badan 10 saacadood ayaa la isku mari waayay, waxaana dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo khilaafka Farmaajo iyo Rooble […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirarkii lagu dhex dhexaadinayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu kala tagay, kaddib saacado badan oo la is hor-dhafiyey.

Shirarka oo qaatay in ka badan 10 saacadood ayaa la isku mari waayay, waxaana dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo khilaafka Farmaajo iyo Rooble waday Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo xubno kale oo Guddiyo ah.

- Advertisement -

Labada dhinac ayaa isku mari waayay qodobada kala ah kiiskii Ikraan Tahliil Faarax in lagu sameeyo baaritaan madax bannaan oo hey’addaha Cadaaladda u gudubto iyo arrinta Taliyaha  Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.

Guddiyo ka kala socday labada dhinac ayaa loo saaray inay ka soo doodaan qodobada la isku haayay, waxaana Guddiga Farmaajo ka socday ka mid ahaa Xildhibaan C/shakuur Mire iyo Aadan Qoryooley oo ah Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Galmudug, halka dhanka Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdeen Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.

Guddiga labada dhinac ayaa marka hore isku fahmay qodobada qaar, hase ahaatee qodobka la isku hayay ayaa ahaa arrinta Taliyaha NISA oo Guddiga ka socday Madaxweynaha dalbadeen in labada Taliye la isla bixiyo oo loo daayo Madaxweynaha inuu soo magacaabo, balse ay diideen dhanka Guddiga Ra’iisul Wasaaraha oo soo jeediyay haddii labada taliye la isla bixinayo ay tahay in laga heshiiyo oo laga tala geliyo Ra’iisul Wasaaraha oo cida la keenayo lagu qanacsan yahay.

- Advertisement -

Kulankii ugu dambeeyay oo dhacay wax yar kahor Aadaanka hore ee salaadii subax ee saakay ayaa dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare, waxaana Farmaajo uu diiday labadaas qodob, kuna adkeystay in gorgortan aan laga geli karin, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu mowqifkiisa ku taagnaa, taas oo sababtay in shirarka lagu kala tago.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble u dhaxeeya ayaa sababay shaqo ka joojintii lagu sameeyay Taliyihii NISA Fahad Yaasiin, waxaana Madaxweynaha uu qaaday talaabooyin uga sii daray khilaafka taagan, taa oo dalka gelisay xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts