HomeWararWeerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday Gaari ay saarnaayeen Taliye iyo Ciidamo

Weerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday Gaari ay saarnaayeen Taliye iyo Ciidamo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka aan ka heleyno duleedka degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay weerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday gaari uu watay Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore. Dad ayaa ku warramay in rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerarka […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay weerar dhabba-gal ah oo lagu qaaday gaari uu watay Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore.

Dad ayaa ku warramay in rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerarka Jad-galka ku qaadeen gaari nooca raaxada oo uu watay Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Galmudug iyo Askar nabadsugid ah oo la socday.

- Advertisement -

Weerarka oo sigaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa Godinlabe iyo Cadaado ee Galgaduud ayaa waxaa la sheegay in uusan geysan wax khasaaro ah, waxaana la tilmaamay in raga hubeysan ay doonayeen  in Taliyaha iyo Ciidanka la socday ay ka furtaan hub ay u wadeen Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Taliye Najiib Xirsi Dhoore iyo Ciidanka Nabadsugid ayaa dagaal kooban la galay raggii weerarka kusoo qaaday, waxaana burbur la gaarsiiyay gaariga ay la socdeen Taliyaha iyo Ciidanka oo ku sii jeeday Dhuusamareeb.

Si kastaba deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa  ka dhacay weeraro lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug, weerarka qaarkood ayaa geystay khasaaro kala duwan.

Latest stories