HomeWararHoggaamiyihii Ahlusunna Macalin Maxamuud oo ka degay Gaalkacyo iyo ujeedkiisa

Hoggaamiyihii Ahlusunna Macalin Maxamuud oo ka degay Gaalkacyo iyo ujeedkiisa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Hoggaamiyihii guud ee Culimada Ahlusunna Waljameeca ee Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka degay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyada oo halkaas lagu soo dhaweeyay. Macalin Maxamuud oo ka degay Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan iyo Culimo, sida xaqiijiyeen xubno ka tirsan Ururkii Ahlusunna Waljameeca […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hoggaamiyihii guud ee Culimada Ahlusunna Waljameeca ee Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka degay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyada oo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Macalin Maxamuud oo ka degay Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan iyo Culimo, sida xaqiijiyeen xubno ka tirsan Ururkii Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxii Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo xubno la socday ayaa iyaguna duhurnimadii Maanta ka degay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana faah faahin laga helayaa Ujeedka Madaxdii Ahlusunna.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ujeedka hoggaamiyeyaashii Culimada Ahlusunna Waljameeca ee Gobolada Dhex oo muddooyinkii dambe dibad joog ahaa ay dib ugu laabteen Galmudug uu yahay ka qeyb galka siyaarada Sheekh Yuusuf Direed oo sanad kasta xiligaan oo kale la qabto.

Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa deegaanada Galmudug isaga tegay Bishii March 2020, kadib dagaal culus oo Magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidanka Booliska Haramcad iyo kuwii Ahlusunna, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts