HomeWararFaah faahin:- Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Beledweyne

Faah faahin:- Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Beledweyne

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan qaraxaasi. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 13kmt dhinaca waqooyi ugu beegan Magaalada Baladweyne uu ka dahcay Qarax Miino oo sababay dhimasho […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan qaraxaasi.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 13kmt dhinaca waqooyi ugu beegan Magaalada Baladweyne uu ka dahcay Qarax Miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa yimid kadib markii miino ay la kacday Gaari siday qaad, kaasi oo marayay inta u dhexaysa Ceelgaal iyo Beledweyne, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay Qaraxaasi hal qof, waxaana dhaaqacyo ay kasoo gaareen Seddex ruux oo shacab ah, oo ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee Gaariga saarnaa.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa la sheegay in lasoo gaarsiiyay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Goblka Hiiraan, halkaasi oo xaaladdooda Caafimaad lagula tacaalayo.

Laamaha ammaanka Gobolka Hiiraan iyo maamulka Gobolku waliw ax war ah kaam soo saarin Qaraxaasi khasaaraha gaystay, sidoo kale ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts