HomeWararMadaxweyne Uhuru Kenyatta oo Dhambaal u soo diray Farmaajo

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Dhambaal u soo diray Farmaajo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegay inay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo oo soo gaartay Magaalada Muqdisho ay Dhambaal Qoraal ah ka wado Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaasoo u gudbin doonto Madaxweyne Farmaajo marka ay kula kulanto Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia. Kulanka ay la yeelan doonto Raychelle Omamo dhigeeda dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa looga hadli […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegay inay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo oo soo gaartay Magaalada Muqdisho ay Dhambaal Qoraal ah ka wado Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaasoo u gudbin doonto Madaxweyne Farmaajo marka ay kula kulanto Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Kulanka ay la yeelan doonto Raychelle Omamo dhigeeda dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa looga hadli doonaa intiisa badan xoojinta xiriirka Labada dal, Siyaasadda, Socdaalka, Xayiradda Qaadka Kenya, Arrimaha Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeryaha Kenya iyo Amaanka Xuduudka.

- Advertisement -

Diplomasiyiinta ayaa rumeysan in kulankaasi lagu soo hadal qaadi doono Dacwadda Xuduud-baddeedka ee u dhexeysa labada dal oo haatan hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

Ilo ka tirsan Golaha Midowga Africa ee AU ayaa sheegay inay Dowladda Kenya dhawaan codsatay Taageero Farsamo oo lagu xalinayo Murankaasi.

Dowladda Federalka ayaa waxaa ay sanadkii 2014-kii dacwad u gudbisay Maxkamadda ICJ, oo ay kaga cabanaysay sheegashada Keny ee qeybo ka tirsan Xudduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya
Labada Dowladood waxay ka war sugayaan Natiijada Xukunka Kma-dambaynta ee Maxkamadda ICJ, iyadoo Kenya horey galaangal u gashay in Khilaafkaasi lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda ICJ.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts