HomeWararCiidanka Dowladda oo Camaara kusoo bandhigay xubin sare oo ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Dowladda oo Camaara kusoo bandhigay xubin sare oo ka tirsan Al-shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ku soo bandhigay Xubin ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo ay sheegeen Saraakiishu inuu uu Al-shabaab qaabilsanaa afduubka Ajaanibta. Saraakiil Ciidan oo uu Hogaaminayo Jeneraal Saadaq John oo gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku haynta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ku soo bandhigay Xubin ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo ay sheegeen Saraakiishu inuu uu Al-shabaab qaabilsanaa afduubka Ajaanibta.

Saraakiil Ciidan oo uu Hogaaminayo Jeneraal Saadaq John oo gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku haynta magaalada Camaara, ayaa la sheegay in halkaas ay ku qabteen Jabriil Saciid Cali Saciid, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Afduubka Ajaanibta arrimaha Samafalka u yimaada Soomaaliya.

- Advertisement -

Warar lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in Jabriil in uu horey u qafaashay Weriyeyaashii ka kala socday Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaasi oo uu ka qaatay lacago Madax furasho, ayna jiraan Ajaanib kale oo gacantiisa ku maqan, kana afduubtay meelo ka mid ah dhulka Soomaalida.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee dagaalka kula jira Al-shabaab ee Degaanada Galmudug ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu dilay dagaalaayaal badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Magaalada Camaara ayaa haatan ku jirta Gacanta Ciidanka huwanta ah ee xoogga dalka iyo Galmudug, waxaana Ciidanku ay wali wadaan howgallo ballaaran oo ay ka sameynayan Koonfurta Gobolka Mudug.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts