HomeWararWararkii ugu dambeeyay Diyaaradii ku dhacday Garoonka Degmada Ceel-waaq

Wararkii ugu dambeeyay Diyaaradii ku dhacday Garoonka Degmada Ceel-waaq

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Diyaarad siday dad Rakaab ah oo waaberigii hore ee saakay oo Arbaco ah ku dhacday Garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee koonfurta Soomaaliya. Diyaaradan oo nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa kasoo duushay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isla markaana waxaa saarnaa Dad farabadan oo Rakaab ah oo kusii jeeday Degmada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Diyaarad siday dad Rakaab ah oo waaberigii hore ee saakay oo Arbaco ah ku dhacday Garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee koonfurta Soomaaliya.

Diyaaradan oo nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa kasoo duushay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isla markaana waxaa saarnaa Dad farabadan oo Rakaab ah oo kusii jeeday Degmada Elwak ee Ismaamulka Magaalada Mandheera ee Kenya.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Ceel-waaq ayaa warbaahinta u sheegay in Diyaarada ay markii horey dooneysay inay ku degto dhabaha ay Cagga-dhigtaan diyaaradaha ee Garoonka Ceel-waaq, hayeeshee lugaha u bixi waayeen, sidaasina ku dhacday.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed ee dhacay, isla markaana dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda laga soo saaray iyaga oo bad qaba.

Dadka la socday diyaaradan ayaa tiro ahaan gaaraya 45 qof oo ay ku jiraan shaqaalaha diyaaradaas, waxaana diyaarada kasoo kacday Magaalada Nairobi, iyagoona dadkaas kusii jeeday Degmada Elwak ee Ismaamulka Mandheera, taas oo 20-KM u jirta Ceel-waaq.

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Ceel-waaq ee ku dhacday dayaarada ayaa ahaa mid howlgab ah tan iyo markii la dhisay, iyadoo uu u xirnaa arimo siyaasadeed oo salka ku haaya khilaaf u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts