HomeWararDowladda Somalia iyo Turkiga oo wada hadal ka yeeshay Dhaqaalaha dalka

Dowladda Somalia iyo Turkiga oo wada hadal ka yeeshay Dhaqaalaha dalka

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz. Kulankan dhexmaray labada Mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal, iyagoona kulankooda diirada ku saaray dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda. Qoraal […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Kulankan dhexmaray labada Mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal, iyagoona kulankooda diirada ku saaray dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ayuu ku sheegay inuu Turkiga sii kordhinayo Taageeradiisa Maaliyadeed iyo Horumarinta xirfadlayaasha dalka Soomaaliya, isagoona uga mahadceliyay arrimahaas.

“Waxa aan ka wadahadlanay dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda, sidoo kale waxa aan uga mahadceliyay doorka wanaagsan ee uu ka cayaarayo horumar Soomaaliya, Turkigu waxa uu sii xoojinayaa xiriirka Saaxiibnimada Soomaaliya, Taageeradiisa Maaliyadeed iyo Horumarinta xirfadlayaasha dalkeena” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir aad u wanaagsan oo ku saleysan dhinacyo kala duwan, isla markaana waxaa Turkiga dowladda Federaalka uu ka taageeraa tababarada Ciidamada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts