HomeWararUK iyo Japan oo Dhoolatus Milliteri ka sameeynaya xeebaha Somalia

UK iyo Japan oo Dhoolatus Milliteri ka sameeynaya xeebaha Somalia

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Sida laga soo xigtay Ilo-wreedyo ku dhow Dowladda Japan waxaa la filayaa inay Ciiddanka Badda ee dalalka UK iyo Japan ay waqti dhow dhoolatus wadajir ah ka samayn doonaan Gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Xeebaha dalalka Somalia iyo Yemen. Dhoolatuskasi waxaa ka qeyb-geli doona Ciiddan Badda Japan ee haatan qeybta ka ah Hawlgalka Caalamiga ee […]

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay Ilo-wreedyo ku dhow Dowladda Japan waxaa la filayaa inay Ciiddanka Badda ee dalalka UK iyo Japan ay waqti dhow dhoolatus wadajir ah ka samayn doonaan Gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Xeebaha dalalka Somalia iyo Yemen.

Dhoolatuskasi waxaa ka qeyb-geli doona Ciiddan Badda Japan ee haatan qeybta ka ah Hawlgalka Caalamiga ee L-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Gacanka Cadmeed.

- Advertisement -

Warkan oo aan ka soo xiganay Wargeyska Japan Times ayaa lagu xusay inay Ciiddanka UK ay Dhoolatuskaaasi kaga qeyb geli doonaan Koox Maraakiib ah oo uu ka mid yahay Markabka Diyaaradaha xambaarta ee HMS Queen Elizabeth oo ah Markabka ugu weyn ee Ciiddanka Badda ee UK.

Dhinaca kale, Dhoolatuskaasi Milliteri waxaa ka qeyb geli doona Ciiddamo ka kala socda dalalka Maraykanka iyo Netherlands, kuwaasi oo Maraakiibtooda Dagaal soo wehlin doonaan kuwa ka socda dalka UK.

Ilo-wareedyo kale ayaa sheegaya in Wasiirka Difaaca ee dalka Japan, Nobuo Kishi  iyo dhigiisa dalka UK, Ben Wllacela filayo inay bishan 20-da kulan ku yeeshaan Caasimadda Japan ee Tokyo, si ay u xiriiriyaan Dhoolatuska Wadajirka ee ka dhici doona meel ka baxsan Xeebaha Somalia.

Latest stories