HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Degmada Afgooye

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Degmada Afgooye

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Kooxo hubeysan ayaa gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmadaas, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas. Guddoomiye Waaxeedka ayaa u geeriyooday rasaas uga dhacday qeybaha jirka oo ay ku dhufteen dabley hubeysan, xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Afgooye, waxaana goobta uu falku […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan ayaa gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmadaas, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Guddoomiye Waaxeedka ayaa u geeriyooday rasaas uga dhacday qeybaha jirka oo ay ku dhufteen dabley hubeysan, xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Afgooye, waxaana goobta uu falku ka dhacay ka baxsaday raggii ka dambeeyay dilka.

- Advertisement -

Al-shabaab oo ka hadashay dilkaas loo geystay Guddoomiye Waaxeedka ayaa magaca Guddoomiyaha la dilay ku sheegtay Cabdullaahi Maxamed oo ka tirsanaa Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka Afgooye ayaan weli ka hadlin dilka Marxuum Cabdullaahi Maxamed, waxaana dilkiisa uu kamid noqonayaa dilal qorsheysan oo horey rag hubeysan uga geysteen gudaha degmadaas oo lagu khaarijiyay Mas’uuliyiin iyo Askar Ciidan.

Al-shabaab ayaa inta badan sheegatay dilal iyo weeraro ka dhacay Afgooye oo kamid ah degmooyinka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaas Saldhiyo Ciidan ku leh Ciidanka dowladda Federaalka.

Latest stories