HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ka ah ee Maamulka Jubbaland. Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan. Ra’iisul Wasaaraha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ka ah ee Maamulka Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa gudaha Garoonka salaan sharaf uga qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka dowlad Goboleedka Jubbaland, isagoona ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, kadibna loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada.

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Kismaayo ayaa waxaa uu yahay sii xoojinta dadaalada doorashooyinka dalka ka dhacaya, gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira Gobolka Gedo.

Rooble ayaa kulan la qaadan doona Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isagoona kala hadli doona dardar-gelinta howlaha doorashooyinka, sidoo kalena waxaa uu la kulmi doonaa Rooble qeybaha kala duwan ee Bulshada.

- Advertisement -

Ammaanka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta siweyn loo sameeyay, waxaana socdaalkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble ku tegay Jubbaland tan iyo markii loo magacaabay xilka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts