HomeWararDagaal uu ku dhaawacmay Taliye Ciidan oo ka dhacay Doolow

Dagaal uu ku dhaawacmay Taliye Ciidan oo ka dhacay Doolow

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo saakay ka dhacay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalkan oo sigaar ah u dhexmaray Ciidanka Nabadsugida iyo kuw Asluubta dowladda ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Ciidanka Asluubta ay weerar ku qaadeen Ciidanka Nabadsugida oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo saakay ka dhacay degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalkan oo sigaar ah u dhexmaray Ciidanka Nabadsugida iyo kuw Asluubta dowladda ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Ciidanka Asluubta ay weerar ku qaadeen Ciidanka Nabadsugida oo xiray Askari kamid ah Asluubta.

- Advertisement -

Qof kamid ah dadka deegaanka Doolow oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in dagaalka inta uu la socday la maqlayay dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, in kastoo xaaladda haatan ay tahay mid degan.

Khasaaro dhaawac ah ayaa lagu wadaa inuu ka dhashay dagaalka, waxaana la xaqijiyay inuu dhaawac soo gaaray Taliyaha nabadsugida Doolow Xasan Cibaad iyo Askari ilaalo u ahaa, kuwaasi oo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Doolow ee Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaan dagaalkii halkaas ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan Ciidanka Nabadsugida iyo kuw Asluubta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts