HomeWararAl-shabaab oo xukun ku fulisay Nin gowracay Hooyadiis iyo Walaalkiis

Al-shabaab oo xukun ku fulisay Nin gowracay Hooyadiis iyo Walaalkiis

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay goob fagaare ah oo ku taalla deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan xukun dil toogasho ah kula fuliyeen Nin lagu eedeeyay inuu horey u dilay hooyadiis iyo walaalkiis. Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeyay goobta uu xukunka ka dhacayay oo ku taalla degaanka Shaw ee Hiiraan, si […]

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay goob fagaare ah oo ku taalla deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan xukun dil toogasho ah kula fuliyeen Nin lagu eedeeyay inuu horey u dilay hooyadiis iyo walaalkiis.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeyay goobta uu xukunka ka dhacayay oo ku taalla degaanka Shaw ee Hiiraan, si u daawadan dilka toogashada ee lagu fuliyay Ninkii dilay hooyadii dhashay iyo walaalkiis.

- Advertisement -

Ninka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Calasoow Cabdi, isagoona horey gowrac ku dilay hooyadiis Xaliimo Cusmaan Cumar oo 72 sana jir aheyd iyo walaalkiis Macallim Maxamuud Calasoow Cabdi.

Al-shabaab ayaa sheegtay in falka uu Maxamed Calasoow ku gowracay hooyadiis iyo walaalkiis ay ka argagaxeen dadka deegaanka uu falkaas ka dhacay oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomaaliya.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa gudaha Soomaaliya kusoo badanayay falalka argagaxa leh, waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay dhowr jeer xukuno dil toogasho ah ku fulisay rag geystay falal dadka deegaanada ay ka taliyaan ku abuuray Aragax.

Latest stories