HomeWararWeerar khasaaro dhaliyey oo lagu qaaday gaadiid ay wateen Ciidamo Kenyaati

Weerar khasaaro dhaliyey oo lagu qaaday gaadiid ay wateen Ciidamo Kenyaati

Date:

Related stories

Maxamed Ordaaye: Sidee Muwaadin reer Togdheer ah u qabsaday Caalamka isagoo aan hadlin?

Maxamed Ordaaye, oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Duruqsi,

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska dowladda Kenya ayaa lagu qaaday weerar xoogan oo ka dhacay deegaan hoostega Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

Weerarka oo ahaa mid dhabba-gal ah ayaa waxaa Kolonyada Ciidamada Kenya ku qaaday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Buulo Laban ee duleedka Ceelqaaloow.

Al-shabaab oo ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in Ciidanka Milateriga iyo kuwa Booliska Kenya weerarka looga dilay Askar, halka kuwo kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo loola cararay Xarun Caafimaad.

Sidoo kale Shabaabka ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in weerarka lagu gubay gaari nooca xamuul ah oo u rarnaa ciidamada oo ku socdaalayay wadada deegaanka Buulo Laban ee duleedka Ceelqaaloow ee Magaalada Mandheera.

Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkii dhacay, waxaana Al-shabaab ay dhowr jeer sidaan oo weeraro isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ku qaadeen Ciidanka Kenya iyo Saldhigyo ay leeyihiin, kuwaasi oo qaarkood geystay khasaaro kala duwan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories