HomeWararPuntland oo Maanta xukun kale ku riday Nin horey loo Maxkamadeeyay

Puntland oo Maanta xukun kale ku riday Nin horey loo Maxkamadeeyay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Maxkamadda sare ee Ciidamada Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ku riday Nin lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa shabakad dhawaan lagu Maxkamadeeyay Magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ka tirsan Al-shabaab. Cabdirisaaq Axmed Buraale ayaa lagu eedeeyay inuu kamid ahaa shabakadii ka koobneyd 17-xubnood oo maalmo kahor Maxkamadda Puntland ku riday xukun dil toogasho […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda sare ee Ciidamada Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ku riday Nin lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa shabakad dhawaan lagu Maxkamadeeyay Magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ka tirsan Al-shabaab.

Cabdirisaaq Axmed Buraale ayaa lagu eedeeyay inuu kamid ahaa shabakadii ka koobneyd 17-xubnood oo maalmo kahor Maxkamadda Puntland ku riday xukun dil toogasho ah, kadib markii lagu helayo inay ka dambeeyeen dilal iyo weeraro Gaalkacyo ka dhacay saddexdii sanno ee ugu dambeeyay.

- Advertisement -

Eedeysane Buraale oo horey Maxkamada sare ugu xukuntey xabsi daa’in ayaa Xafiiska xeer ilaalintu ka qaatey Dib u eegis taasoo sababtay in dil lagu xukumo, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Puntland.

17-xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobolka Mudug ee maamulka Puntland ku riday xukun dil toogasho ah, halka mid kalena lagu xukumay xabsi daa’in.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro iyo qaraxyo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan Mas’uuliyada falalkaas dhacay sheegtay Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts