HomeWararMaxkamadda Maxkamadda oo shaacisay Magacyada dadkii dilay Sheekh Cali Dheere

Maxkamadda Maxkamadda oo shaacisay Magacyada dadkii dilay Sheekh Cali Dheere

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta ka hadashay baarista lagu sameeyay kiiska dilkii deegaan hoostega Magaalada Gaallkacyo loogu geystay Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug. Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Muumin Xuseen Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta ka hadashay baarista lagu sameeyay kiiska dilkii deegaan hoostega Magaalada Gaallkacyo loogu geystay Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug.

Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Muumin Xuseen Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dilka loo geystay Sheekh Cali Dheere, kadib ay tageen goobta uu falku ka dhacay Guddi ka socday Maxkamadda, isla markaana ay xog-wareysteen dad marqaatiyaal ah.

- Advertisement -

Xeer Ilaaliye Muumin ayaa shaaciyay in dilka Sheekha oo dhacay 17-kii May 2021 uu ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Gaalkacyo oo lagu magacaabo Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan, isla markaana ay gacan ku siiyeen laba Eedeysane oo lagu kala magacaabo Saciid Cabdi Xidig iyo Ina baalbaal, kuwaasi oo baxsaday.

Maxkamadda Ciidamada ayaa maamulada Puntland iyo Galmudug ka dalbatay inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan Eedeysanayaasha dilay Sheekh Cali Dheere, ayna Maxkamadda horkeenaan, si sharciga loo marsiiyo.

Sidoo kale Xeer Ilaaliye Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa Carabka ku dhuftay in haddii raggaas lagu soo qaban waayo muddo laba Bil guhadood ay Maxkamadda Ciidamada, iyaga oo maqan xukun ku ridi doonto.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa caddeeyay in Saraakiisha Ciidanka Mudug dhinaca Galmudug iyo kuwa Xafiiska la dagaalanka Al-shabaab ay sameeyeen xil gudasha la’aan ku aadan dilkii loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere).

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts