HomeWararCiidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ay dagaal ku dileen xubin sare...

Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ay dagaal ku dileen xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa shegay in ay dileen xubin sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo dagaalamayaal kale. Kadib howlgal qorsheeysan oo ay Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed kafuliyeen degaano katirsan gobolka shabeelaha dhexe ayay guulo kaga sheegteen howlgalkaasi, waxaana ay intaa ku dareen in ay dileen xubin sare oo Al-shabaab […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa shegay in ay dileen xubin sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo dagaalamayaal kale.

Kadib howlgal qorsheeysan oo ay Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed kafuliyeen degaano katirsan gobolka shabeelaha dhexe ayay guulo kaga sheegteen howlgalkaasi, waxaana ay intaa ku dareen in ay dileen xubin sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabeelaha dhexe iyo 30 dagaalamayaal ah, waxaana xubinta sare ee ay dileen ay ku sheegeen Jaamaca Dheere, waa sida ay hadalka u dhigeene.

- Advertisement -

Howlgalka ayaa ka dhacay sida aan wararka ku helnay tuulada Jalable ee gobolka Shabeelaha dhexe, waxaana la sheegay in ay fuliyeen kumaandooska Xogga dalka ee Gor-gor iyo ciidanka Daraawiishta Hirshabeele.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Col:Cali Xaashi oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa in Al-Shabaab laga saaro degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaasi.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay gobolka Shabeelaha dhexe kawaday howlgalo ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan dagaalamayaasha Al-shabaab, oo iyagu inta badan dagaallo toos ah iyo qaraxyo ka fuliya Gobolkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts