HomeWararGalmudug iyo Puntland oo ka wada hadal ka yeeshay Arrin muhiim ah

Galmudug iyo Puntland oo ka wada hadal ka yeeshay Arrin muhiim ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay sii xoojinta wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihiin bulshadu, isla markaana daba socday kulamo mudooyinkii u danbeyay u dhaxeeyay masuuliyiinta Wasaaradaha caafimaadka Puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo. Kulanka oo ay si wadjir ah u shir gudoominayeen Wasiiradda Caafimaadka Puntland iyo Galmudug […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay sii xoojinta wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihiin bulshadu, isla markaana daba socday kulamo mudooyinkii u danbeyay u dhaxeeyay masuuliyiinta Wasaaradaha caafimaadka Puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo.

Kulanka oo ay si wadjir ah u shir gudoominayeen Wasiiradda Caafimaadka Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay howl wadeeno ka socday wasaaradaha caafimaadka, Agaasimayaasha labada isbitaal ee waaweeyn ee Gaalkacyo, waxaana kulanka intiisa badan layskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa daboolista adeegyada caafimaad ee ay bulshada u baahan yihiin.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Galmudug Dr C/wali C/llaahi Jaamac oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay ujeedka kulanka oo tilmaamay in uu yahay mid labada wasaaradood ay uga gol leeyihiin in la sii xoojiyo wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaad ee ay bulshada u baahan yihiin

Sidoo kale kulanka ayuu sheegay inuu daba socdo kulamo madaxda labada Wasaaradood ay ku yeesheen magaalada garoowe iyo magaalooyin kale oo ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa isna dhankiisa xusay in lama huraan ay tahay in la xoojiyo qorshaha wada shaqeynta bahda caafimaadka Puntland iyo Galmudug oo mudooyinkii u danbeysay ay ka muuqanayeen iskaashi wanaagsan.

- Advertisement -

Ugu danbeyn labadda wasiir iyo mas’uuliyiinta ka socday qeybaha kala duwan ee Wasaaradahaasi ayaa si wadajir ah kormeer ballaaran ugu sameeyay qeybo ka mida isbitaalka weyn ee Gaalkacyo Galmudug iyo howlaha shaqo ee isbitaalku u bulshadu u hayo iyagoona warbixino la xariira xaaladaha bukaanada isbitaalka ku jira ka dhageysaty dhaqaatiirta iyo howladeenada caafimaadka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts