HomeWararSawirro:-Dab khasaaro geystay oo ka kacay Guri ku yaalla Muqdisho

Sawirro:-Dab khasaaro geystay oo ka kacay Guri ku yaalla Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dab xoogan oo muddo ku dhow saacad socday ayaa waxaa uu Maanta ka kacay Guri ku yaalla waaxda barwaaqo ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro hantiyadeed. Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dabkaas uu ahaa mid xoogan oo ka kacay Guri dhismo hore ah oo ku yaalla waaxda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dab xoogan oo muddo ku dhow saacad socday ayaa waxaa uu Maanta ka kacay Guri ku yaalla waaxda barwaaqo ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro hantiyadeed.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dabkaas uu ahaa mid xoogan oo ka kacay Guri dhismo hore ah oo ku yaalla waaxda barwaaqo, isla markaana waxaa gurmad la sameeyay lagu guuleystay demintiisa.

- Advertisement -

Xubno ka tirsan Waaxda dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne ayaa demiyay dabka oo geystay khasaaro hantiyadeed, waxaana goobta buux dhaafiyay dad farabadan.

Sidoo kale Guriga uu dabka ka kacay ayaa waxaa degnaa dad kalluumeysato ah, iyadoona dabka uu baabi’iyay shabaag lagu soo dabo kalluunka iyo agabyo kale oo kalluumeysatada Isticmaalan, xiliyada ay aadayaan badda.

Ma jiro khasaaro nafeed oo dabkaas uu geystay, waxaana markii hore la sheegay in dabka uu ka dhashay koronto ku jirtay Guriga oo dhismo horey ahaa, iyadoona goobta ay tageen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts