HomeWararMaxaa looga hadlay kulan gaar ah oo yeesheen Midowga Musharaxiinta?

Maxaa looga hadlay kulan gaar ah oo yeesheen Midowga Musharaxiinta?

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada dalka oo ay hoggaaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Midowga ahna Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu ahaa mid ay xubnaha Musharaxiinta isaga xog-wareysanayeen xaaladdihii ugu dambeeyay ee siyaasadda. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada dalka oo ay hoggaaminayaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Midowga ahna Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu ahaa mid ay xubnaha Musharaxiinta isaga xog-wareysanayeen xaaladdihii ugu dambeeyay ee siyaasadda.

- Advertisement -

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka, kadib markii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis rasmi ah ka gaareen.

“Waxaan iska xog wareysannay marxaladihii ugu dambeeyey ee xaaladda Dalka iyo Doorashooyinka la filayo dhawaan inay bilaabmaan” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal kooban bartiisa Facebook soo dhigay.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Xasan Kheyre iyo xubno kale oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa ka qeyb galay kulankaas.

- Advertisement -

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay Xukuumadda xilgaarsiinta u gudbiyeen xubnaha Guddiga labada heer ee doorashooyinka ee cabashada laga keenay, isla markaana shalay Xukuumadda soo bandhigtay Magacyada xubnaha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts