HomeWararNatiijada Doorashooyinkii ka dhacay Somaliland oo Maanta lagu dhawaaqayo

Natiijada Doorashooyinkii ka dhacay Somaliland oo Maanta lagu dhawaaqayo

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Natiijadii hordhaca aheyd ee doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland ee maalin kahor dhacday ayaa waxaa lagu waday in habeenkii xalay aheyd lagu dhawaaqo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Eng, Cabdirashiid Riyo Raac ayaa sheegay galabnimadii shalay mar uu warbaahibta la hadlaayay sheegay in saacadaha soo socda lagu dhawaaqdi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Natiijadii hordhaca aheyd ee doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland ee maalin kahor dhacday ayaa waxaa lagu waday in habeenkii xalay aheyd lagu dhawaaqo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Eng, Cabdirashiid Riyo Raac ayaa sheegay galabnimadii shalay mar uu warbaahibta la hadlaayay sheegay in saacadaha soo socda lagu dhawaaqdi doono Natiijadda hordhaca ee doorashada.

- Advertisement -

Guddoomiye Cabdirashiid Riyo Raac ayaa tilmaamay in maanta oo Arbaco ah la shaacin doono Natiijada doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland, iyadoona dadka Somaliland ay siweyn u sugayaan shaacinta natiijada.

In ka badan hal malyan oo qof oo ah shacabka Somaliland una dareeray goobaha Codbixinta doorashada ayaa dhiibtay codadka ay ku dooranayaan 82 Xildhibaan oo u tartamaya Baarlamaanka iyo 249 Golaha guurtida ah.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir, sidoo kalena 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka 47% ay dumar ahaayeen.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay, waxaana dadka Coddeeyay kamid ah Guddoomiyeyaasha Xisbiyada ku tartamaya doorashada Somaliland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts