HomeWararMadaxweyne Saciid Deni oo amar kasoo saartay shilalka Gaari

Madaxweyne Saciid Deni oo amar kasoo saartay shilalka Gaari

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Qardho ayaa ka hadlay shilalkii gaari ee ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay in deegaanada Puntland ay muddooyinkii dambe u soo bateen shilalka gaari ee ka dhacaya, isla markaana geysta khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Qardho ayaa ka hadlay shilalkii gaari ee ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay in deegaanada Puntland ay muddooyinkii dambe u soo bateen shilalka gaari ee ka dhacaya, isla markaana geysta khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaara dadka shacabka.

- Advertisement -

Deni ayaa Ciidanka Booliska ee ku sugan koontaroolada laga galo Magaalooyinka Maamulka ku amray in aysan dalxiis u ogolaadan gaadiidka ay la socdaan dhalinyarada oo uusan wadin darawal yaqaano kaxeynta gaariga.

Dhalinyarada ayuu ku eedeeyay in gaari kasoo qaatan aabahood oo ay la aadan dalxiis, isla markaana darawalka wada oo aan aqoon kaxeynta gaariga uu shil geliyo, wuxuuna sheegay in arrintaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in Arrin wanaagsan ay tahay in dhalinyarada ay u dalxiis tagaan goobaha qurxuda badan, hayeeshee waxaa uu xusay in muhiim ay tahay in gaadiidka ay ku safrayaan uu wado darawal mas’uul ah.

- Advertisement -

Halka Madaxweyne Sacid Deni ayaa waxaa uu ku soo beegmaday, iyada oo dhawaan duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu shil khasaaro geystay ku galay fanaanka Sharma Boy oo gaariga shilka galay waday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts