HomeWararDFS oo shaacisay inuu socdo dadaal kale oo lagu soo celinayo xiriirka...

DFS oo shaacisay inuu socdo dadaal kale oo lagu soo celinayo xiriirka Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan dadaalo ay dowladda Qatar mar kale ku dooneyso inay kusoo celiso xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Kenya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdisaaq Maxamed oo la hadlay Telefashinka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in Qatar wado dadaal ku aadan soo celinta xiriirka labada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan dadaalo ay dowladda Qatar mar kale ku dooneyso inay kusoo celiso xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdisaaq Maxamed oo la hadlay Telefashinka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in Qatar wado dadaal ku aadan soo celinta xiriirka labada dal, isla markaana xaqiijiyay in dadaalka uu sii socon doono.

- Advertisement -

Wasiir Maxamed Cabdisaaq ayaa sheegay in arrin wanaagsan aysan aheyn in laga sii hadlo horumarka laga sameeyay dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kena iyo dib u dhaca mararka qaarkood ku yimaada dadaalka socda.

“Horumarka la sameeyo iyo dib u dhaca mararka qaar haddii laga sii hadlo uma noqon karto wax u fiican soo celinta xiriirka, waxaana jeclahay in aan sidaas uga haro, balse waxa aan kuu xaqiijinayaa in uu dedaalkaas socdo isla markaana wax waliba aysan ahayn sida uu warka u jiro ” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdisaaq.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa tilmaamay in Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ay ka sugayaan go’aan cadaalad ah oo ku aadan kiiskii Dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

- Advertisement -

Si kastaba dhawaan ayey aheyd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Kenya, hayeeshee Kenya ayaa maalmo joojisay duulimaadyada Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts