HomeWararKenya oo ku hanjabtay inay joojinayso duulimaadyada bani'aadannimo ee Soomaaliya

Kenya oo ku hanjabtay inay joojinayso duulimaadyada bani’aadannimo ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Kenya ayaa uga digtay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay joojin doonto dhammaan duulimaadyada Soomaaliya.   Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada. Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya oo qoraal cusub soo saartay ayaa ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Kenya ayaa uga digtay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay joojin doonto dhammaan duulimaadyada Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.

Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya oo qoraal cusub soo saartay ayaa ku eedeeysay hay’adaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay si qaldan u adeegsadeen fasaxii la siiyey, oo ay arrimo siyaasadeed u adeegsadeen duulimaadyada, kuna xadgubeen ogeysiiska lagu joojiyey duulimaadyada.

 

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa uga digtay hay’adahan in duulimaadyada bani’aadannimo ay tahay in loo adeegsado arrimo bani’aadannimo oo kaliya, haddii kale ay gebi ahaan joojin doonto duulimaadyada Soomaaliya

Sarkaal Soomaali ah oo magaciisa qariyey waxa uu arrintan ku tilmaamay tallaabo ay Kenya ku cadaadinayso diblomaasiyiinta, inkasta oo uusan bixin faah-faahin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts