HomeWararMaxkamadda Puntland oo Maanta xukun ku riday Rag ka tirsan Al-shabaab 

Maxkamadda Puntland oo Maanta xukun ku riday Rag ka tirsan Al-shabaab 

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Goboldda Cayn iyo Mudug ee Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku riday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab. Xubnahaan oo gaaraya ilaa 5 Rag ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay Maxkamadeyntooda ka socotay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Goboldda Cayn iyo Mudug ee Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku riday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Xubnahaan oo gaaraya ilaa 5 Rag ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay Maxkamadeyntooda ka socotay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Goboldda Cayn iyo Mudug ayaa ku heshay dembi ah 5-ta ruux inay Al-shabaab u qaabilsanaayeen fulinta qaraxyada iyo dilal qorsheysan ee ka dhacay Gaalkacyo  13-kii sano ee dambeeyay, sida la sheegay.

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Maanta soo gaba-geeysay dhageysiga kiiska loo heysto eedeysanayaashan ayaa waxaa ay ku riday xukun dil toogasho ah, waxaana sidaas Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaga Maxkamadda.

Ugu dambeyn Maxkamadda xorriyadooda u celisay lix qof oo kale, kuwaas oo lagu waayay wax danbi ah, kadib markii horey looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Latest stories