HomeWararAkhriso:-Dalal ku yaalla Qaarada Afrika oo Maanta laga Ciidayo

Akhriso:-Dalal ku yaalla Qaarada Afrika oo Maanta laga Ciidayo

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Dalal ku yaalla Galbeedka qaarada Afrika ayaa waxaa Maanta laga ciidayaa oo ay u tahay maalinta Koowaad ee Ciidul fitriga, iyadoo dunida Muslimka laga wada sooman yahay, kadib markii bisha soonfur laga waayey. Dalalka laga Ciidayo ayaa waxaa kamid ah Senegal, Mali, Niger iyo Ivory Coast, waxaana ay sheegeen in xalay bisha soonfur laga arkay […]

- Advertisement -

Dalal ku yaalla Galbeedka qaarada Afrika ayaa waxaa Maanta laga ciidayaa oo ay u tahay maalinta Koowaad ee Ciidul fitriga, iyadoo dunida Muslimka laga wada sooman yahay, kadib markii bisha soonfur laga waayey.

Dalalka laga Ciidayo ayaa waxaa kamid ah Senegal, Mali, Niger iyo Ivory Coast, waxaana ay sheegeen in xalay bisha soonfur laga arkay dalalkooda, sidaasina ay ugu dhawaaqeen Ciida.

- Advertisement -

Dhinaca kale waxaa Maanta oo Arbaco ah laga ciidayaa deegaanada ay maamulaan dagaalamayaasha Al-shabaab oo shaaciyay in maqribnimadii xalay bisha laga arkay deegaano ka tirsan Gobolada dalka ay gacanta ku hayaan.

Saakay waxaa laga tukaday saalada Ciida deegaanada Al-shabaab, isla markaana dadweyne farabadan isugu geeyay goobo fagaare ah, xili dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka ay sheegeen in Maanta la dhammeystirayo 30-ka Ramadaan.

Inta badan dalalka Caalamka ayaa ku dhawaaqay in 30-ka bisha Ramadaan la dhammeeystirayo, ka gadaal markii la waayay aragtida bisha Shawaal, isla markaana Ciidul fitriga ay kow noqoneyso maalinta berri oo khamiis ah.

- Advertisement -

Waxaa jiro dalal kale oo Maanta ay u tahay 29-ka bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana Caawa dalalkaas laga raadin doonaa aragtida bisha soonfur, iyagoona kadib go’aan ku dhawaaqi doona.

Latest stories