HomeWararDFS oo si kulul uga hadashay weerarkii Israa’iil ku qaaday Masjidka Al-Aqsa

DFS oo si kulul uga hadashay weerarkii Israa’iil ku qaaday Masjidka Al-Aqsa

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Balaal Maxamed Cusman, ayaa ayaa ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir ee aan caadiga ahayn, kaasi oo uu kaga qeybgalay Aaladda fogaanarragga. Fadhigan oo looga hadlayay gardarada Isra’iil ee ku wajahan magaalada Qudus oo ay ku jiro Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaafadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Balaal Maxamed Cusman, ayaa ayaa ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir ee aan caadiga ahayn, kaasi oo uu kaga qeybgalay Aaladda fogaanarragga.

Fadhigan oo looga hadlayay gardarada Isra’iil ee ku wajahan magaalada Qudus oo ay ku jiro Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaafadda Sheekh Jarrah

- Advertisement -

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Balaal Cusman oo matalayey dowladda ayaa khudbaddii uu ka jeediyey kulanka waxaa uu si kulul u Cambaareeyay weerarkii Isra’iil ku qaaday Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Waxaa uu bulshada caalamka ugu baaqay inay qaataan mas’uuliyadahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Isra’iil ku heyso dadka Falastiiniyiinta ah, wuxuuna falka Isra’iil ku weerartay Masjidka Al-Aqsa ku tilmaamay mid fool xun.

“Ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah” ayuu yiri Balaal Cusman.

- Advertisement -

Sidoo waxaa uu Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda hadalkiisa sii raaciyey “Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israa’iil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimadda ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay”

Ciidamada Isra’iil ayaa weeraro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay ku qaaday dadka Falastiiniyiinta oo ku cibaadeysanayay Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, waxaana sidoo kale Qaza ka dhacay duqeymo diyaaradeed oo dad lagu dilay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts