HomeWararLaba kamid ah Ragga loo heysto Dilkii Cabdixakiin Dhaga-juun oo la sii...

Laba kamid ah Ragga loo heysto Dilkii Cabdixakiin Dhaga-juun oo la sii daayey

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sii deysay laba kamid ah 7 Askari oo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka oo ay ku jiraan Saraakiil, kuwaasi oo loo heysto inay ku lug lahaayeen dilkii loo geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan. Maxkamadda ayaa sii deysay laba Nin oo lagu kala magacaabo C/raxmaan Isaaq Cabdullaahi & Xasan Abuukar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sii deysay laba kamid ah 7 Askari oo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka oo ay ku jiraan Saraakiil, kuwaasi oo loo heysto inay ku lug lahaayeen dilkii loo geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan.

Maxkamadda ayaa sii deysay laba Nin oo lagu kala magacaabo C/raxmaan Isaaq Cabdullaahi & Xasan Abuukar Maxamuud Buuqsane, kadib markii Maxkamadda ku weyday wax dembi ah iyo inay ka qeyb qaateen dilka Marxuum Cabdixakiin Dhaga-juun.

- Advertisement -

Sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa Eedda kala noqday C/raxmaan Isaaq Cabdullaahi iyo Xasan Abuukar, waxaa uuna codsaday in loo dhageysto Warbixin ahaan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay mar kale dib u bilowday dhageysiga kiiska dilkii loo geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun.

Fadhiga ay ka socoto Maxkamadda ayaa waxaa ku sugan Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, rag loo heysto dilka marxuumka oo ay Saraakiil Booliis ah ku jiraan, Ehelada Marxuumka iyo xubno kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts