HomeWararKoox hubeysan oo Maanta Weerar ku dhaawacday Muwaadin Soomaali ah

Koox hubeysan oo Maanta Weerar ku dhaawacday Muwaadin Soomaali ah

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saakay weerar ku qaaday Muwaadin Soomaaliyeed oo goob Ganacsi ku leh Magaalada Kleinmond oo 111 KM u jirta Magaalo-xeebeedka Cape Town ee dalkaas. Muwaadinka oo lagu magacaabo Maxamed Dagur Cismaan ayaa waxaa ragga hubeysan ay ku fureen rasaas xoogan, xili uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi, waxaana Muwaadinka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa saakay weerar ku qaaday Muwaadin Soomaaliyeed oo goob Ganacsi ku leh Magaalada Kleinmond oo 111 KM u jirta Magaalo-xeebeedka Cape Town ee dalkaas.

Muwaadinka oo lagu magacaabo Maxamed Dagur Cismaan ayaa waxaa ragga hubeysan ay ku fureen rasaas xoogan, xili uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi, waxaana Muwaadinka falkaas kasoo gaaray dhaawac Culus.

- Advertisement -

Qaar kamid ah Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugnaa meel ku dhow goobta Ganacsi ee lagu dhex weeraray Maxamed ayaa tegay halkaas, iyagoona dhaawciisa ula cararay  Xarun Caafimaad oo haatan lagu dabiibayo.

“Walaal Maxamed, markii aan usoo gurmanay waxaa dhaawiciisa loola cararay Hermanus oo noo dhow, markii ay wax ka qaban waayeena waxaa loo gudbiyey Isbitaalka weyn ee Tygerberg oo uu hadda ku jiro” ayuu yiri Faarax Cabdullaahi oo kamid ah Soomaalida deggan Kleinmond.

Bishii ee April ee sanadkaan 2021 ayaa waxaa Magaalooyin ka tirsan dalka Koonfur Afrika waxaa dilal kala duwan loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa Goobo Ganacsi.

- Advertisement -

Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal kala duwan iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana sanadkaan gudihiisa lagu dilay Muwaadiniin farabadan oo lahaa goobo Ganacsi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts