HomeWararQ/Midoobay oo ka hadashay Go’aankii Somalia kusoo celisay xiriirka Kenya

Q/Midoobay oo ka hadashay Go’aankii Somalia kusoo celisay xiriirka Kenya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa waxaa uu soo dhaweeyey doorka Dowladda Qatar ka qaadatay soo celinta xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeyey Dowladaha Somalia iyo Kenya. Hadal qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Stephane Dujrik, ayaa waxaa uu ku sheegay inuu Antonio Guterres muujiyey Rajadiisa ku aadan Baaqyadii ka soo […]

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa waxaa uu soo dhaweeyey doorka Dowladda Qatar ka qaadatay soo celinta xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeyey Dowladaha Somalia iyo Kenya.

Hadal qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, Stephane Dujrik, ayaa waxaa uu ku sheegay inuu Antonio Guterres muujiyey Rajadiisa ku aadan Baaqyadii ka soo kala baxay Dowladaha Somalia iyo Kenya ee Soo-celinta Xiriirkooda.

- Advertisement -

Qoralka ayaa lagu muujiyey inay Tallaabadaasi horseedi doonto inay labada dal si buuxda u soo ceshan doonan Xiriirkooda, oo lama huraan u ah Degananaashaha iyo Iskaashiga Mandiqadda Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya, iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga iyo xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dal horey uga dhexeeyay.

Madaxweynayaasha labada dal ayaa Amiirka Dowladda Qatar uga mahadceliyay dadaalkii uu ka geystay arrintaan, waxaana Qatar ay galaangal u gashay soo celinta Xiriirka horey u dhexeeyay Somalia iyo Kenya.

Latest stories