HomeWararRooble oo War kasoo saaray Arrimaha Doorashada iyo Amniga ee lagu wareejiyay

Rooble oo War kasoo saaray Arrimaha Doorashada iyo Amniga ee lagu wareejiyay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo in uu wareejiyay mas’uuliyadda  doorashooyinka. Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Shacabka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September, ayaa sheegay in xukuumaddu soo bandhigi doonto qorshaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo in uu wareejiyay mas’uuliyadda  doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Shacabka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September, ayaa sheegay in xukuumaddu soo bandhigi doonto qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee Amniga Qaranka.

- Advertisement -

“Waxaan uga mahadcelinayaa madaxweynaha in uu aniga iyo xukuumaddeyda nagu soo wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha amniga guud ee Qaranka, anigoo rajeynaya in aan ku guuleysanno howshaas iyo mas’uuliyaddaas muhiimka u ah masiirka dalka una maareyno sida ugu wanaagsan” ayuu yiri Rooble.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha inuu ka xun yahay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay dowladda iyo Mucaaradka, isagoo xusay in dhibaatada dhacday ay sababtay burbur iyo inay barakacaan shacabka Muqdisho.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad-goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka Madasha Qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

- Advertisement -

Rooble ayaa faray Ciidammada Qaranku in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda, isagoo ugu baaqay siyaasiyiintuna in ay ka fogaadaan hadal ama ficil kasta oo aan caawineyn xasilloonida dalka iyo wadajirka shacabka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Carabka ku dhuftay inuu magacaabi doono Guddi farsamo, si loo xaliyo saameynta Ciidamada Qalabka Sida ku yeesheen Arrimaha siyaasadda dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts