HomeWararQaramada Midoobay oo ka hadashay Go’aankii lagu laalay muddo kororsiga

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Go’aankii lagu laalay muddo kororsiga

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Go’aankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dib uga laabteen muddo kordhintii Farmaajo ee labada sano, ayna ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii17-kii Sebteembar. Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Go’aankii Golaha Shacabka ee dib loogu soo celiyey heshiiskii doorashada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Go’aankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dib uga laabteen muddo kordhintii Farmaajo ee labada sano, ayna ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii17-kii Sebteembar.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Go’aankii Golaha Shacabka ee dib loogu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebteembar, kadib codsiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

- Advertisement -

Qaramada Midoobay ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ugu baaqday inay dib ugu laabtaan wadahadalka, isla markaana ay u diyaar garooban qabashada doorashooyinka dalka.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa go’aanka baarlamaanka Federaalka ee dib loogu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebteembar, kadib codsiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. QM waxa ay ugu baaqeysaa madaxda Soomaalida in ay dib ugu laabtaan wadahadalka oo ay u diyaar-garoobaan doorashooyinka dib u dhac la’aan” ayaa lagu yiri Qoraalka UN-ka.

Sidoo kale Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay tallaabadii Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo uu doorashada iyo amniga ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

- Advertisement -

Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dib uga laabtay Go’aankii muddo kordhinta, iyagoona dib u soo celiyay heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebteembar, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in dib looga laabto Go’aankii muddo kororsiga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts