HomeWararSenator Cabdi Qeybdiid oo Digniin u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka

Senator Cabdi Qeybdiid oo Digniin u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay Go’aankii Galmudug iyo Hirshabeelle ay uga soo horjeesteen muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo Cabdi Qeybdiid oo galabta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu marka hore soo dhaweeyay Go’aankii Madaxweyne Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ku diideen muddo […]

- Advertisement -

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay Go’aankii Galmudug iyo Hirshabeelle ay uga soo horjeesteen muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Qeybdiid oo galabta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu marka hore soo dhaweeyay Go’aankii Madaxweyne Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ku diideen muddo kororsiga Farmaajo iyo taageeradii uu u muujiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

- Advertisement -

Sidoo kale Cabdi Qeybdiid ayaa uga digay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada inay qaadaan go’aamo waxyeeleyn kara tallaabadii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada in aysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaadana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya, arrintii ay qaadeen 12-kii bishii April ee aheyd kordhinta labada sano waaye waxa dadna u dhintay dadna u dhaawacan yahay, dadna u barakaceen” ayuu yiri Senator-ka

Senator Cabdi Xasan Cawaale ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la fuliyo amarkii uu bixiyay Rooble ee ahaa in Ciidanka soo galay Muqdisho ee kasoo baxay furimaha dagaalka dib loogu celiyo xeryahooda, lana joojiyo abaabulka Ciidan ee weli ka socda Muqdisho.

Latest stories