HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo si kulul uga hadlay dagaaladii Muqdisho

Madaxweynaha Somaliland oo si kulul uga hadlay dagaaladii Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa si kulul uga hadlay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay dowladda iyo Mucaaradka. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda dowladda Federaalka ku eedeeyay inay dhibaato ku hayaan shacabka kunool Muqdisho, ayna barakiciyeen, islamarkaana ay qaddarin iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa si kulul uga hadlay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay dowladda iyo Mucaaradka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda dowladda Federaalka ku eedeeyay inay dhibaato ku hayaan shacabka kunool Muqdisho, ayna barakiciyeen, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka Caasimadda.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Somaliland ay arrimo siyaasadeed isku hayaan Madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta diiddan qarannimada Somaliland, ayna ka xun yihiin dhibaatada loo geysanayo Bulshada.

“Dawladdaas Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hoggaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye  Shacabka walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wato, waxa uu intaas ku daray “Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.”

- Advertisement -

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa farriin u diray shacabka kunool Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in dhibaatada ay xanuunkeeda Afarta sanno ku dareemeen ay Somaliland soddonkiisa sanno ee ugu dambeeyeyba u dulqaadanaysay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts