HomeWararPuntland oo Shuruud adag ku xirtay ka qayb galka Shir dambe oo...

Puntland oo Shuruud adag ku xirtay ka qayb galka Shir dambe oo lagu qabto Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay shirka la filayo in mar kale dib ay isugu soo laabtaan Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, maaddaama uu horay u fashilmay shirkii Afisyooni ee Madaxda dhexmaray. Puntland ayaa shuruud adag ku xiray in ay ka qayb galaan shir dambe lagu qabto Magaalada Muqdisho, kaasi oo xal loogu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay shirka la filayo in mar kale dib ay isugu soo laabtaan Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, maaddaama uu horay u fashilmay shirkii Afisyooni ee Madaxda dhexmaray.

Puntland ayaa shuruud adag ku xiray in ay ka qayb galaan shir dambe lagu qabto Magaalada Muqdisho, kaasi oo xal loogu raadinayo khilaafka taagan ee dhanka Doorashooyinka ee dalka ka dhici doono, kuwaasi hadda la isku mari la’ayahay.

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegey in aysan Muqdisho danbe tegeyn, isla markaana aanayn ka qeyb geli doonin Shir uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo isugu yeero Madaxda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa caddeeyay inay ka qeyb geli doonaan oo kaliya shirar looga hadlayo khilaafka doorashada dalka markii ay Beesha Caalamka ku casuunto ka qeyb galka shirkaas, hayeeshee aysan Muqdisho iska imaan doonin.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa imaanaya, iyadoo maamul Goboledyada oo idil ay kasoo hor jeesteen muddo kororsiga Farmaajo, waxaana Mowqifkooda si rasmi ah u caddeeyay Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ka hor yimid muddo kordhinta, waxaana ku taageeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts