HomeWararQorshe xilka looga qaadayo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka socda Muqdisho

Qorshe xilka looga qaadayo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka socda Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka Deg-dega ah ee uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday ugu yeeray xildhibaannada maalinta Sabtida ah la qorsheynayo in xilka looga qaado Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Guuxa arrintan ku saabsan ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u soo baxayay, kaddib […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka Deg-dega ah ee uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday ugu yeeray xildhibaannada maalinta Sabtida ah la qorsheynayo in xilka looga qaado Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guuxa arrintan ku saabsan ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u soo baxayay, kaddib markii xog laga helay Xildhibaanada qaar ay isla wadaageen in maalinta Sabtida la qorsheeynayo in xilka qaadis lagu sameeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay Rooble ku eedeyn doonaan in uu ku fashilmay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, waana isla eeddii xilka looga tuuray Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay taageeray Go’aankii ay Galmudug iyo Hirshabeelle uga soo horjeesteen muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo hay’addaha dowladda.

Rooble ayaa si Cad u sheegay in dalka uu aadayo doorasho heshiis lagu wada yahay, isla markaana la fulin doono heshiiskii 17-kii September, isagoona tilmaamay in Madaxda dowlad Goboleedyada looga baahan yahay fulinta heshiiskaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts