HomeWararWafdi ka socday Kenya oo socdaal ku tagay Magaalada Hargeysa iyo ujeedkooda

Wafdi ka socday Kenya oo socdaal ku tagay Magaalada Hargeysa iyo ujeedkooda

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray wafdi ka socday dowladda Kenya, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaaladaas. Ujeedka wafdiga ka socday Kenya oo Khuburo ah ayaa waxaa uu ahaa sidii loo dardar-gelin fulinta heshiis Somaliland iyo Kenya ay 15-kii bishii December 2020 ku kala saxiixdeen Magaalada […]

- Advertisement -

Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray wafdi ka socday dowladda Kenya, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaaladaas.

Ujeedka wafdiga ka socday Kenya oo Khuburo ah ayaa waxaa uu ahaa sidii loo dardar-gelin fulinta heshiis Somaliland iyo Kenya ay 15-kii bishii December 2020 ku kala saxiixdeen Magaalada Nairobi.

- Advertisement -

Wafdiga ayaa kormeero kala duwan ku sameeyay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa, isla markaana kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, iyagoona ka wada hadlay Arrimo ku aadan shaqada Garoonka Cigaal.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo ka hadlaayay socdaalka wafdiga ka socday Kenya ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka wafdiga uu ahaa dardar-gelinta sidii loo fulin lahaa heshiisyadii ay Somaliland iyo Kenya wada galeen gaar ahaan midka ku aadan dhinaca duulimaadyada.

Sido kale Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa uu intaas kusii daray in Kenya u soo dirtay Kooxo kormeer ku sameeya Garoomada Somaliland, isagoona Carabka ku dhuftay inay labada dhinac ay dhameystiri doonaan heshiisyadii ay horey u wada galeen.

- Advertisement -

Kenya iyo Somaliland ayaa sanadkii 2020 heshiiyay in Kenya ay Qunsuliyad ka furato Magaalada Hargeysa sanadkan 2021, isla markaana diyaaradda Kenya Airways ay duulimaad toos ah ka bilowdo Bisha Somaliland.

Latest stories