HomeWararCiidamo Milateri oo la wareegay waddooyin ku yaal Magaalada Muqdisho

Ciidamo Milateri oo la wareegay waddooyin ku yaal Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka oo kasoo baxay furimaha dagaalka deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta gudaha u soo galay Magaalada Muqdisho. Ciidamada oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa xalay ku hoyday deegaano dhaca duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxaana la sheegay in Ciidanka ay kasoo horjeedan muddo kordhinta Golaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka oo kasoo baxay furimaha dagaalka deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta gudaha u soo galay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa xalay ku hoyday deegaano dhaca duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxaana la sheegay in Ciidanka ay kasoo horjeedan muddo kordhinta Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage uu la kulmay Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadaas, uuna ka dalbaday inay dib ugu noqdaan aagaggii ay ka soo baxeen.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan inay guuldareysteen isku day la doonayay in Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka ee soo galay Magaalada Muqdisho dib loogu celiyo aagaggii ay ka soo baxeen.

Dad ku sugan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay arkeen ciidamo badan oo wata gadiidka nooca dagaalka ee Tiknikada oo ku sugan Isgoyska Fagax iyo waddooyin kale oo ka tirsan Kaaraan iyo Hiliwaa, waxaana la sheegayaan in Saraakiisha Ciidanka la hadli doonaan Warbaahinta oo loo yeeray.

- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadeen Ciidanka Milateriga, waxaanala tilmaamay in Ciidankaas ah kasoo horjeedan muddo kororsiga Farmaajo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts