HomeWararVietnam oo walaac  ka muujisay dhacdooyinka Somalia, Baaqna u dirtay DFS iyo...

Vietnam oo walaac  ka muujisay dhacdooyinka Somalia, Baaqna u dirtay DFS iyo Dowlad-gobaleedyada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Danjiraha Joogtada ee dalka Vietnam u jooga QM, Ambassador Dang Dinh Quy waxa uu bishan 20-dii la wadaagay dalalka kale Walaaca xooggan ee dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Somalia, wuxuuna ka digay inay caqabad ku noqon karaan hawlaha Doorasho ee Somalia. Danjiraha Joogtada ee dalka Vietnam u jooga QM oo shir-guddoominayey Kulan aan caadi ahayn oo […]

- Advertisement -
Danjiraha Joogtada ee dalka Vietnam u jooga QM, Ambassador Dang Dinh Quy waxa uu bishan 20-dii la wadaagay dalalka kale Walaaca xooggan ee dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Somalia, wuxuuna ka digay inay caqabad ku noqon karaan hawlaha Doorasho ee Somalia.
Danjiraha Joogtada ee dalka Vietnam u jooga QM oo shir-guddoominayey Kulan aan caadi ahayn oo ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha Somalia waxa uu ugu baaqay dhinacyada Somalia inay is-xakameeyaan, kana fogaadaan falalka sii adkayn kara Xaalladda Somalia iyo guud ahaan Mandiqada.
Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyada inay meel iska dhigaan Khilaafkooda, isla markaana ay dib u soo celiyaan Wada-xajoodka iyo inay dadaal ballaaran ku bixiyaan sidii loo gaari lahaa Is-Faham Siyaasadeed ka gaaraan Hannaanka Doorasho asaas looga dhigayo Heshiiskii la gaaray bishii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-ka.
Dhinaca kale, Ambassador Dang Dinh Quy waxa uu mar kale taageeraddda Dowladda Vietnam ee doorka Dhexdhexaadinta ee QM iyo Urur-gobaleedyada, gaar ahaan Ururka Midowga Africa ee AU iyo Urur-gobaleedka IGAD ee xalinta mishaakilka Siyaasadeed ee Somalia.
“Vietnam waxay taageeraysaa dadaalka dadka Soomaaliyeed ee Nabadda, Degnaanshaha iyo Horumarka” ayuu yiri Ambassador Dang Dinh Quy oo dhanka kale ugu baaqay Beesha Caalamka inay taageero ka geystaan dadaallada oo saas looga dhigayo Xushmeynta Sharciga Caalamiga iyo Madax-bannaanida iyo Xuduudaha dhuleed ee Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Kulanka aan Caadiga ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa ahaa kii u horeeyey ee Kulan toos oo ay xubnaha Golahaasi toos isugu soo hor fariistaan, tan iyo bilowgii sanadkan 2021-ka, waxaana la bogaadiyey Tallaabooyinka Danjiraha Joogtada ee dalka Vietnam u jooga QM, Ambassador Dang Dinh Quy oo isagu ah Guddoomiyaha Golahaasi ee bishan April.
Kulankaasi waa kulankii 2-aad ee aan caadiga ahayn ee ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM sanadkan yeeshaan, oo ay kaga xaajoodaan Arrimaha Cakiran ee Somalia. Ustaad Nuuradiin

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts