HomeWararSenator Abshir Bukhaari oo farriin culus u diray Farmaajo

Senator Abshir Bukhaari oo farriin culus u diray Farmaajo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlaanka Federaalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa farriin culus u diray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo. Senator Abshir Bukhaari ayaa sheegay in Madaxweyne farmaajo uu u bareeray daadinta dhiiga shacabka, waxaana uu ugu baaqay in uu ka waantoobo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo meel marinta dhagarihiisa qarandumisnimo. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlaanka Federaalka Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa farriin culus u diray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo.
Senator Abshir Bukhaari ayaa sheegay in Madaxweyne farmaajo uu u bareeray daadinta dhiiga shacabka, waxaana uu ugu baaqay in uu ka waantoobo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo meel marinta dhagarihiisa qarandumisnimo.

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Senator Abshir Bukhaari
Aniga oo ka duulaya metalaada dadweynaha deegaan doorasheedkegya iyo waajibka dastuuriga ee iga saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha guud ahaan iyo gaar ahaanba waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee u haliilaya daadinta dhiiga shacabka in uu ka waantoobo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo meel marinta dhagarihiisa qarandumisnimo.

- Advertisement -

Waxaan sidoo kale u sheegayaa madaxweyne-hore Farmaajo in uu si shaqsi ah u qaado doono ha dhowaato hase dheeraatee mas’uuliyada qof kasta oo ku dhinta ama ku dhaawacma duulaanka sharci darada ah ee uu si aargoosi ah ugu beegsanayo Gen. Saadaq Cumar Xasan.
Si la mid ah waxaan u sheegayaa ciidamada Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa ku hawlan duulaankaas in aysan u hoggaansamin amarkaas sharcidarada ah ee si toos ah u geysanaya dhibaato aan la mahadin doonin.
Askari kasta waa in uu maanka ku hayaa in uu isaguna si shakhsi u qaadi doono mas’uuliyada dembiga xuquuqul insaanka ee uu gaysto maalin ay ahaatana sharciga la horkeeni doono.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts