HomeWararRa’iisul-wasaarihii hore ee dalka Turkiga oo geeriyooday

Ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Turkiga oo geeriyooday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Waxaa Isbitaalka Jaamacadda Ankara University Hospital shalay oo Arbaco ahayd (April 14-dii) ku geeriyooday RW hore ee dalkaasi, Yildirim Akbulut oo 86 jir ahaa. Yildirim Akbulut waxaa la sheegay inuu muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa, laguna daaweynayey Isbitaalka Ankara University Hospital. Waxaa uu horey u soo noqday RW iyo Afhayeenka Baralmaanka dalkaasi, wuxuuna Xildhibaan ahaa ku-dhawaad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Isbitaalka Jaamacadda Ankara University Hospital shalay oo Arbaco ahayd (April 14-dii) ku geeriyooday RW hore ee dalkaasi, Yildirim Akbulut oo 86 jir ahaa.
Yildirim Akbulut waxaa la sheegay inuu muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa, laguna daaweynayey Isbitaalka Ankara University Hospital.
Waxaa uu horey u soo noqday RW iyo Afhayeenka Baralmaanka dalkaasi, wuxuuna Xildhibaan ahaa ku-dhawaad 20-sano, laga bilaabo 1983-dii ilaa 2002-dii.

Waxa kale oo uu soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga muddadii u dhexeysay 1984-kii ilaa 1987-dii, isagoo ka tirsanaa Xukuumadii Ra’isul-wasaare Turgut Özal.
Yildirim Akbulut waxa uu sanadkii 1980-kii noqday RW, isagoo soo dhisay Xukuumad, waxa uu sii waday Noloshiisa Siyaasadeed, isagoo sanadkii 1983-dii uu noqday Asaaasaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga Dhulka Hooyo (Anavatan Party).
Markii uu isaga tegay Xisbigaasi waxa uu ku biiray Xisbiga kale ee DYP, balse, waxa uu ku hungoobay Tartan uu u galay Kursiga Barlamaanka ee magaalladda Istanbul.
Sanadkii 1999-kii, waxa mar kale loo doortay Guddoomiyaha Barlamaanka Turkiga, isagoo xilkaasi hayey tan iyo sanadkii 2000.

- Advertisement -

RW hore ee dalka Turkiga ee shalay geeriyooday Yildirim Akbulut waxa uu bishii November 15-dii ee sanadkii 1935-kii ku dhashay Gobalka Erzincan ee Bariga dalka Turkiga.
Waxa uu ka qalin jebiyey Dugsig Sharciga ee Jaamacadda Istanbul ( Istanbul University’s Law School), wuxuuna ku soo shaqeeyey Qareenimo, ka hor inta uusan Siyaasadda ku biirin.
RW hore ee Turkiga ee geeriyooday, Yildirim Akbulut waxa uu ifka kaga tegay 3 gabdhooda iyo Hooyadooda oo horey u ahayd xubin ka tirsan Maxkamadda Dastuuriga ee dalkaasi (The Constitutional Court).©Ustaad Nuradin Page

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts