HomeWararUrurada Bulshada Rayidka oo ka xun hal Arrin oo ka dhex jirta...

Ururada Bulshada Rayidka oo ka xun hal Arrin oo ka dhex jirta DF iyo M/Goboleedyada

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa ka hadlay Khilaafka iyo is aaminaad la’aanta xiligaan ka dhex jirta Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar kamid maamul Goboleedyada dalka. Guddoomiye Shaatax oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in muddo ay ka shaqeynayeen sidii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay Shir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa ka hadlay Khilaafka iyo is aaminaad la’aanta xiligaan ka dhex jirta Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar kamid maamul Goboleedyada dalka.

Guddoomiye Shaatax oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in muddo ay ka shaqeynayeen sidii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay Shir isugu imaan lahaayeen, si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Tahliil Shaatax in Madaxda ay xiligaan ka dhex jirto is aaminaad darro xoogan, isla markaana waxa ay isku hayaan aysan aheyd doorasho, hayeeshee ay isku hayaan arrimo shaqsi ah, taasina ay aad uga xun yihiin, kuna tilmaamay nasiib darro.

Sidoo kale waxaa uu xusay inay ka walaacsan yihiin qaabka ay hadda wax u wadaan Madaxda, waxaana uu sheegay in ayaan darro ay tahay in Madaxda oo ku wada sugan Magaalada Muqdisho ay Shir isugu imaan la’ yihiin.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ayaa Carabka ku dhufay in mar kasta ay soo dhaweynaayan shirarka ay isugu imaanayaan Madaxda oo looga hadlayo khilaafka doorashada iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiis 17- Sep.

- Advertisement -

Hadalka Guddoomiye Tahliil Shaatax ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo shalay Madaxda dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay diideen ka qeyb galka Shirka Madaxda ee ka dhacay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts